Dad Cadheysan oo Weerar Ku Qaaday Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland

0
1573

Hargeysa (Hargeisa Press) – Rabshado xoogan, ayaa maanta waxaa ay ka dhaceen Xabaalaha Halleeya ee barriga magaalada Hargeysa oo lagu aasayay saddexdii qof ee ku dhintay dibad-baxii 11-kii bishan ka dhacay magaalada Hargeysa.

Rabshadaha, ayaa ka dhashay kadib markii ay dadweyne cadheysan weerareen Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland, Siciid Sulub Maxamed oo tegay goobta aaska ee marxuumiinta.

Wararka, ayaa sheegaya in dadkan cadheysan uu soo abaabulay Xisbiga Waddani islamarkaana ay dadkani u badnaayeen taageerayaasha Xisbiga Waddani, iyagoona dhagxaan iyo gacan ka hadal isugu daray Wasiir Siciid Sulub iyo Ilaaladiisa.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku sii daraya in kadib ay xaaladdu faraha ka baxday, taas oo keentay inay rasaas adeegsadaan ciidanka ilaalada ee Wasiirku, balse ma jiro khasaare ka dhashay, sida ay Shabakada Hargeisapress u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa Xabaalaha.

Xaaladda, ayaa haatan deggan, waxaana markii dambe arrinta fara-geliyey Odayaasha Dhaqanka oo ku guuleystay inay dajiyaan xiisadda, waxaana sidaas lagu aasay dadkii ku dhintay rabshadihii ka dhashay dibad-baxii maalmo kahor ka dhacay magaalada Hargeysa.

Wasiirka iyo xubnaha la socday, ayaa sidoo kale si nabad ah goobta looga amba-bixiyey, kadib markii ay xaaladda dajiyeen odayaasha dhaqanka ee ku sugnaa goobta.

Somaliland, ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay muranka hadheeyey doorashada oo ay isku hayaan Mucaaradka iyo Xukuumadda Madaxweyne Biixi.

Sikastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaaladda ayaa u muuqata mid ka sii dareysa, waxayna mucaaradku weli wadaan dibad-baxooda, halka ay xukuumadduna adeegsaneyso ciidamada ammaanka, si ay uga hortagto rabshadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here