Xukuumadda oo Ogolaatay In Ay Bixiso Magta Dadkii Ku Dhintay Mudaharaadyadii

0
2734
Madaxweyne Biixi oo Shaaciyay Mudada Burburka Xisbiyada
Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ogolaatay in ay bixiso magta dadkii ku dhintay mudaharaadkii dhawaan ka dhacay qaar ka mid ah gobolada Somaliland, sida ay sheegeen guddi bilaabay in ay dhexdhexaadiyaan labada dhinac.

Dadkii ku dhaawacmay mudaharaadyadii rabshadaha watay ee ay xisbiyada mucaaradku hoggaminayeen, ayaa dhamaan sidoo kale ay daawayn doontaa xukuumadda Somaliland.

Maalinta berri ah, ayaa Aas Qaran loogu samayn doonaa magaalada Hargeysa saddexdii qof ee ku dhintay mudaharaadkii magaalada Hargeysa ka dhacay.

Sidoo kale, madaxda xisbiga Waddani oo maanta la kulmay wefdigii ka socday dowladda Mareykanka, ayaa waxaa ay u sheegeen in ka xisbi ahaan ay diyaar u yihiin in khilaafka jira laga gaadho xal siyaasadeed oo wadahadal- dhexdhexaadin ku yimaadda.

Si kasbtaba, arrintan, ayaa ku soo beegmaysa iyadoo maanta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu guddi wasiiro ah, u saaray in ay soo baadhaan sababta keentay mudaharaadyadii Khamiistii, khasaaraha ka dhashay, cida eedda leh, iyo sida xal mustaqbal oo waara loogu heli karo.

Xisbiyada mucaaradka, ayaa sidoo kale iyaguna dhankooda magacaabay guddi soo baadha khasaaraha ka dhashay mudaharaadka, ilaa hadana ma jirto guddi madaxbannaan oo arrintan xil iska saartay.

LEAVE A REPLY