Dab Xoogan Oo Caawa Qabsaday Suuq Ganacsi Oo Ku Yaalla Tog-Wajaale

0
541

Tog-Wajaale (HP): Dab xoogan ayaa caawa fiidkii qabsaday suuqyo ganacsi oo ku yaalla magaaladda Tog-Wajaale ee gobolka Gabiley.

Dabkan ayaa ka kacay meheradaha ganacsi ee ku yaalla Togga, dhex mara magaaladda Wajaale, kaasoo baabiiyay dhamaanba wixii mehero ahaa ee halkaa ku yaallay.

Sida laga arkayo muuqaallo laga soo duubay suuqaasi caawa gubtay Dabka ayaa ahaa mid aad u xoogan, isla markaana ciidamadda dab-demisku ay awoodi kari waayeen in ay bakhtiiyaan.

Dad goob joogeyaal ah ayaa noo sheegay in dabkaasi oo bilaabmay salaadii Makhrib kadib in inuu ilaa hadda socdo, inkastoo ay goobta gaadheen deb-demiska magaaladda Hargaysa, oo isla markiiba u gurmaday, iyadoo ay sii joogeen kuwa Wajaale.

Ilaa hadda lama garanayo waxa sababay dabkani inuu kaco, ama waxa uu rasmi ahaan ka bilaabmay, sidoo kalena haayadaha amaanka ee Somaliland ayaan ka hadal dhacdadani.

Geesta kale suuqan uu danku qabsaday oo qarka u saaran Togga dhex mara magaaladda Wajaale, ayaa ah mid dusha ama xagga sare ka dedan, isla markaana ay adag tahay in Dab-demisku uu gudaha u gallo.

Maadaama oo dabku uu si weyn uga holacayo, una baabiiyay meheradaha badhtama suuqaasi, iyadoo taasina keentay in ciidamadda dab-demiska ay ku adkaatay bakhtiinta dabkaasi.

Dad ku sugan Wajaale, oo aanu la xidhiidhnay ayaa noo sheegay in ay suurto gal tahay in la bur-buriyo qaar ka mid ah meheradaha kooneyaasha ama dhinacyadda suuqaasi, si ay dab-demiska ugu suuro gasho inay gudaha u galaan suuqa gubanaya.

Dabkan oo muddo saacado ah socda weli
ayaa la tilmaamayaa inuu burburiyay hanti aad u fara badan, inkastoo aan ilaa hadda la soo werinin wax khasaare nafeed ah oo uu sababay.


Waxaanay weli ciidamadda dab-demisku la tacaalayaan deminta dabkaasi, iyadoo dhinaca kalena uu si xawli ah ku socdo, isla markaana meheradaha ugu sii fidayo dabkaasi.

DAAWO: Muuqaaladda Laga Soo Duubay Dabkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here