Madaxweynaha Somaliland oo Amray-Baadhitaanno Lagu Sameeyo Dabka Ku-Soo Noqnoqda Suuqyada Dalka

0
1506

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu war ka soo saaray dabkii xalay ka kacay suuqa ganacsiga ee magaalada Wajaale.

Madaxweyne Biixi, ayaa waxaa uu sheegay in uu murugada iyo tiiraanyada la qaybsanayo muwaadiniinta hantidoodii ku waayey masiibada dabkii xalay ka kacay suuqa ganacsiga ee magaalada Wajaale.

Madaxweynuhu isaga oo ka tiiraanyeysan dhibaatadii ka dhalatay dabkaas waxa uu muwaadiniinta hantidoodii baaba’day Eebbe uga baryayaa inuu ciwad khayr leh ka siiyo hantidoodii, isaga oo ugu baaqay inay niyaddooda wanaajiyaan, kasoo kabasho degdeg ahna u diyaar garoobaan iyaga oo Ilaahay isku xidhaya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Ciidanka Dab-damiska iyo ilaalinta badqabka hantida ku ammaanay kaalintii ay ka qaateen sidii dabkaa loo damin lahaa, sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu u mahadnaqay ciidanka Dab-damiska Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo qayb-weyn ka qaatay daminta dabkii xalay.

Waxaanu Madaxweynuhu hay’addaha amniga qaabilsan faray inay si hufan baadhitaan ugu sameeyaan sababaha keenaya dabkan soo noqnoqday, Ganacsataduna u hoggaansamaan tallooyinka iyo habraacayadda Ciidanka Dab-damisku siinayaan muwaadiniinta si looga hortago marwalba khataraha iyo khasaaraha badan ee ay sababayaan masiibooyinka dabku.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaa uu ugu baaqayaa bulshada inteeda kale inay u kacaan sidii dadweynaha hantidoodii ku waayey dabkii baabi’iyey suuqa ganacsiga ee degmada Wajaale loogu kici lahaa, sidii dib loogu xoolayn lahaa si ay uga soo kabtaan masiibada ku habsatay, iyadoo xukuumadduna doorkeeda ka qaadanaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here