Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Oo Xadhiga Ka Jaray Wershad Soo Saaraysa Bacaha

0
487

Hargaysa (HP): Madaxweyne ku-xigeenka JSL C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta xadhiga ka jaray Wershad soo saaraysa Bacaha bur-bura ee Carrada la fal-galla.

Wershadaasi oo magaceedda la yidhaahdo Bad-baado Deegaan waxaa magaaladda Hargaysa ka hirgelisay shirkadda SOMBAGS, oo ay leeyihiin ganacsato muwaadiniin ah.

Munaasibad balaadhan oo loo qabtay xadhig ka jarka wershadaasi waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda Deegaanka JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, agaasimaha guud ee wasaaradaasi Maxamed C/laahi Ducaale, wasiirro.

Badhasaabka gobolka Maroodijeex, xildhibaano, gamacsato, masuuliyiinta shirkadda SOMBAGS, dawladda hoose ee Hargaysa, iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay ka xukuumad ahaan dedaal dheer geliyeen sidii wax looga qaban lahaa aafadda ay Bacdu ku hayso deegaanka, iyo xoolaha ba.

Waxaanu ku baaqay C/raxmaan Saylici, in wixii hada ka danbeeya la joojinayo Bacaha dibada inooga imanaya ee nafteena iyo Xoolaheenaba halista ku ah.


Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa tilmaantay furitaanka wershadani ay tahay dedaal dheer oo ay muddo soo wadwen in ay manata ka midho dhaliyeen.

Geesta kale waxaa isna xafladaasi hadal ka jeediyay agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka Somaliland Maxamed C/laahi Ducaale, waxaanu soo dhaweeyay wershadan soo saaraysa Bacaha carrada la fal-galla.


Maxamed C/laahi Ducaale, waxa uu sheegay in ka go’an tahay wasaarad ahaan in ay garab istaagaan hal abuur kasta oo Deegaanka ku saabsan.

Dhinaca kale waxaa iyagna halka aka hadlay xubno ku hadlayay magaca shirkadda SOMBAGS, waxaanay ka warbixiyeen u jeedadda ay shirkadan u aasaaseen, iyo sidoo kale waxtarka ay bulshadda, xoolaha nool, iyo deegaankaba u leedahay.

Waxa kaloo xafladaasi hadal ka jeediyay masuuliyiin ka kala socday dawladda hoose ee Hargaysa, iyo masuuliyiin kale, kuwaasoo dhamaantoodba soo dhaweeyey shirkadan soo saaraysa Bacaha Carrada la fal-galla.

DAAWO: Khudbadihii Masuuliyiinta Ee Furitaanka Wershadaasi:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here