Dab-demiska Berbera oo Bad-baadiyay Baabuur Dab Qabsaday

0
235

Berbera (Hargeisa Press)- Ciidanka Dab-demiska magaaladda Berbera ayaa ku guuleystay deminta Dab weyn oo maanta ka kacay Gaadhi Wiisha ah.

Gaadhigaasi ayaa yaalay xiliga Dabku ka kacay degmada Burco sheekh ee xaafadaha Shacabka ee magaaladda Berbera.

Ciidamada Dab-demiska ayaa ku guuleystay daminta dabkaas oo laxaadkiisu weynaa, isla markaana xaafadaas ay ku yaalaan Haamaha Shidaalka Unigas halisna ugu jiray inuu dabku soo gaadho kuna fido.

Gaadhi Wiisha ayaa dabku Qabsaday, kaasi oo laga shaqeynaayay Sidoo kale ciidanka ayaa dabkaas ka nabadgelyeeyay Wiishashkii kale ee ka ag dhawaa.

Badhasaabka Gobolka saaxil iyo Ciidanka Booliska,Shaqaalaha Dp world qeybta Dabdemiska ayaa hawlgalkaa kala qayb qaatay Ciidamada Dabdemiska.

Muwaadin soo wac 990 lambarka gurmadka degdega ah 24 kaa saacadood shirkadaha Telesom/ Somtel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here