Somaliland oo Lagu Casuumay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada Ee COP28

0
424

Dubai (Hargeisa Press)- Shir weynaha caalamiga ah ee isbedelka cimiladda adduunka ee COP28 ee sanadkan, ayaa lagu soo casuumay in ay ka qayb gasho jamhuuriyadda Somaliland.

Shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada ee 2023-ka ama sbirka Dhinacyada UNFCCC, oo inta badan loo yaqaan COP28, ayaa noqon doona shirkii 28aad ee Qaramada Midoobay ee Isbeddelka cimiladda.

Kaasoo la filayo inuu 28-ka bishan November ee aan ku jirno ka furmo dalka Isku Tagga Immaaraadka Carabta, iyadoo na ay shirkaasi ka soo qayb gelayaan in ka badan 70,000 oo ergooyin ah.

Jamhuuriyadda Somaliland ayaana ka mid ah wadamadda shirkani lagu soo casuumay in ay ka qayb galaan, weli ba waxaa laga siiyay weftiga Somaliland in ay hadal ka jeediyeen shirkaasi.

Wasiirka Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa shaacisay in shirkaasi lagu soo casuumay Somaliland.

Shukri Baandare, oo hadal ka jeedisay xidhitaanka shirka saddex bilood laha ah ee Daneeyayaasha Arrimaha deegaanka oo Hargaysa lagu qabtay.

kulanka, ayaa lagaga wadahadlay Sida ugu Fiican ee looga wadashaqeyna lahaa Ilaalinta Deegaanka.

Iyadoo lagu saleenyo qorshayaal laga wada shaqeeyey cid kastaana ku darsatay aqoonteeda.

Sidoo kale waxaa la isla qaatay in la sii wado shirarka wadatashiyada ee Daneeyaasha Deegaanka.

Wasiirka oo arrinta shirka COP28 ka hadlaysay na waxay tidhi “Waad og tihiin, oo waatan shirka Cop28 la tegaayo. Caalamka oo dhan ayaa laga imanayaa, Soomaaliya waa laga tegayaa. 70, 000 oo qof ayaa isku diiwaan geliyay in ay shirkaa ka qayb galeyaan.

Somaliland-na sanadkan casuumadda way ku jirtaa, oo shirka COP28 way ka qayb gelaysaa. Taasina waa guul in aynu ku jirno wadamadda ka qayb gelaya. Weli ba waxaan ku leenahay Pannel aad u fiican doodiisa”.

Dhinaca kale shirka COP28 UAE waxay noqon doontaa wakhti muhiim ah markaa adduunku waxay qiimayn doonaan horumarka ay ka samaysay heshiiskii Paris.

Suuqa ugu horreeya ee Global Stocktake (GST) wuxuu bixin doonaa qiimayn dhamaystiran oo horumarka ah tan iyo markii la qaatay heshiiskii Paris.

Tani waxay gacan ka geysan doontaa in la iswaafajiyo dadaallada ku aaddan waxqabadka cimilada, oo ay ku jiraan tallaabooyinka loo baahan yahay in la dejiyo si loo xakameeyo daldaloolada socda.

Madaxtooyada Imaaraadka Carabta ee COP28 ayaa ka shaqayn doonta sidii loo hubin lahaa in dunidu waxay kaga jawaabtaa GST qorshe hawleed cad.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here