OOG, (HargeisaPress) — sanad Guuradii 22AAd ee kasoo wareegtay xiligii la asaasay ciidamada qaranka somaliland oo ku beegan 2-Feb ayaa maanta lagu xusay magaalada Oog Oo Hoos Timaada Gobolka Saraar.
Waxaana Xuskan oo ay isku yimaadeen kana soo qayb galeen ciidamada kala duwan ee qaranka somaliland isla markaana dhoolo tusyo balaadhan ka sameeyay goobtii ay ka dhacaysay Xaflad ayaa waxa xafladani lagu xusayay sanad guradii 22AAd ee kasoo wareegtay xiligii dhidibada loo tagaay cidanka qaranka somaliland kasoo qayb madaxwaynaha somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo xubno kamida golaha wasiirada, Xildhibaano,Saraakiisha iyo Taliyayaasha kala duwan ee Ciidanka qaranka somaliland iyo waliba Ciidamada qalabka sida.
Waxaana munasibada oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay hadalo kasoo jeediyay madaxwaynaah somaliland mudane Axmed Maxamed Siilaanyo,Xubno kamida Golaha wasiirada,Saraakiisha kala duwan ee ciidanka qaaran Waxaany dhamaantood hadaladoodu isku soo biyo shubanayeen Muhiimada ay leedahay xuska maalinta ciidanka qaranka somaliland iyo waliba ciidamada qaranka oolagu bogaadiyay inay laban laabaan dadaalka ay ugu jiraan xoojinta nabad galiyada dalka somaliland.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa