Gobonimada iyo Sharafta Ummada Jamhuuriyada Somaliland ! By: Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

0
877

Asalaamu Calaykum, Inkasta oo ay tahay mid Shacbiga Geesiga ah ee Reer Somaliland uu Caado Iyo Dhaqan u Leeyahay in Khilaaf Kasta Iyo Muran kasta oo Siyaasadeed ama Nabadgelyo Darro oo kasta ku xalliya Dariiqa Asalka ay u leeyihiin ee ku qotoma is maqal, isu dhegaysi, Dhexdhexaadnimo iyo isu tanaasul ku dhisan Sharaf iyo Danta Guud oo mar kasta la raaco, ayaa Maanta mar kale Waxa ay Hogaanka Sare ee Baarlamanka Dalkeena ee muranka yari uu u dhexeeyay ay Ina tuseen in aynu hayno Dariiqii Horumarka iyo guusha oo ah Dariiqii aynu Khilaaf kasta ku xallin jirnay. Waxaana Heshiiska Labada Masuul ee Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdiraxmaan Cirro iyo Gudoomiye ku Xigeenka Baaralaanka Somaliland uu Tusaale cad u Yahay in Shacbiga reer Somaliland u yahay Shacbi Ilbax ah oo leh Hido iyo Dhaqan Asiil ah oo ay arrinahooda ku xalliyaan iyaga oo aan shisheeye soo faro gelin.

shir gg

Waa mid aynu ku Faanayno oo ku Farxayno Sida Gobonimada Leh ee ay labada Masuul ee Saaxiibka ahi ay uga heshiiyeen khilaafkii yaraa ee Nasiib Darrada ahaa ee dhex maray Waana mid cid kasta oo Caqli lihi ay ogayd in ay Cabiraxmaan iyo Baashe ay yihiin Laba nin oo Saaxiib ah oo soo wada shaqaynayay Sanado Aad u badan, waxaana Hubaal ah inay ogsoon yihiin in aanay haboonayn in mar kale khilaaf sidan oo kale ahi uu mar danbe dhex maro, loogana Baahan yahay in guud ahaan Xubnaha Baarlamaanka Somaliland ay u Hawl galaan gudashada Wajibadka uu Qaranku ka sugayo oo ay ka fogaadaan wax kasta oo Shacbiga niyad jab ku abuuri kara.

 

 

 

Somaliland ha Guulaysato

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here