Daawo Muuqaal: Madaxweyne Siilaanyo Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Safiirka Cusub ee Djibouti u soo Magacawday Somaliland

0
948

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka cusub ee dalka jabuuti dhawaan u soo magacowday Somaliland Ambassador Cumar Xuseen.

Kulankan oo ay Madaxweynaha ku wehelinayeen Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici Iyo Xubno ka Tirsan Golaha Wasiiradda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo hadal soo dhaweyn ah halkaas ka jeediyey ayaa sheegay in Somaliland iyo Jabuuti ay Yihiin laba dal oo Walaalo ah isla markaana uu ka dhexeeyo Iskaashi dhinacyo badan taabanaya Waxaanu Madaxweynuhu xusay inuu Safiirkan Cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u  soo Magacawday Somaliland ay xukuumad ahaan garab ku siin doonaan Wixii hawl gudasho ah ee uu uga baahdo.

Safiirka cusub ee dalka jabuuti dhawaan u soo magacowday Somaliland Mud. Cumar Xuseen ayaa dhankiisa Madaxweynaha uga Mahadceliyay Sida qiimaha leh ee uu u soo dhaweeyay isla markaana ugu qaabilay Qasriga Madaxtooyada taas oo muujinaysa ayuu yidhi Xidhiidhka Qotoda dheer ee u dhexeeya labada dal isagoo intaas ku daray inuu sii horumarin doono Cilaaqaadka iyo wada shaqaynta labada dal.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here