Waxaa Tababar U Baahan Xildhibaan Xasan Cawaale Iyo Sheikh Cadeeye . Qalinkii : Mohamed Hasan Adan

0
759

Anigoo ah Mohamed Hasan Adan ahna nin dhalinyaro ah oo ku nool magaalada hargeysa, waxaan halkan ugu jawaabayaa xildhibaan xasan cawale caynaan , kaasi oo baryahan danbe caadaystay inuu aflagaadeeyo ciidanka boliska. Kaas oo uu ku eedayey in ciidanka bolisku uuna lahayn tababar, iyaga iyo taliyayaashooduba

Qoraaladaa uu xildhibaanku soo qoray waxay ahyd been aan sal iyo raad toona lahayn , waxayna culimada sharciga taqaanaa ay ku tilmaaantaa ( Nul and Void) , xildhibaanka waxaa aan xasuusinayaa in Taliska Ciidanka Booliska uu yahay mid ka soo baxay xilkii iyo waajibaadkii loo igmaday , Ciidankuna waa Ciidan Tababaran imikana waxaa Dugsiyada ugu jira Ciidan Boolis ah oo loo tababarayo shaqada ciidanka Booliska, waxaan tababtar lahayn adiga oo xildhibaan ah sababta oo ah sidaad macalika u ahayd ayuunbaa lagu yidhi xildhibaan ayaad tahay  horta adigu xilka iyo shaqada aad umada u hayso adigu tababar u soo gal.

Taliyaha  Ciidanka Boolisku waa nin aqoon u leh shaqada Ciidanka Booliska kana soo  bilaabay yaraantiisii kuna gaadhay ilaa heer janan, intii uu xilka hayayna ciidanka booliska waxaa uu u qabtay indha wanaagsani way arkaan kuwa caadifada iyo xanuunku ku jiraana ma arkayaan ee adoo kale ahi, waadigii shalay lahaa Ciidanka Madax-tooyada I dilay waxay kugu dilayeen waxay ahayd maangaabnimadaada.

Waxa dhabanahays iyo fajaciso igu noqotay ninka sheekha ah ee la yidhaahdo cadeeye oo la yidhi waa sheikh kaas oo masaajidada kaga qudbadeeyo aflagaadada Ciidanka Booliska , taasina waxay cadaynaysaa inuu soo dhaafay heerkii culimadu lahayd. Waxayna ahayd inuu ka hadlo xasiloonida iyo kala danbaynta waaqica jira, lakin may ahayn inuu aflagaadeeyo oo uu sheego wax aan sal iyo raad toona lahayn, waxaanan u malaynayaa inuu sheekhu yahay kuwa ay fartu ku godantahay ee sii cabaadaya.

Taliyaha ciidanka Boolisku shaqadiisii wuu haystaa ee aduu masaajidka diin iyo cibaado ayaa loogu talo galay ee ka daa siyaasada iyo cayda.

Waxaan amaan iyo bogaadin u soo jeedinayaa taliyaha Ciidanka Booliska JSL S.Guuto Cabdilaahi fadal iimaan . oo ah nin dhalinyaro ah shaqadisana sii habsami ah u guta hadh iyo habeenba.

 

 

Qalinkii : Mohamed Hasan Adan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here