Daawo Muuqaal: Madaxweynaha Somaliland Oo Iska Diiwaan Geliyay Xarunta Dhexe Ee Kulmiye

0
798

Hargeysa, (HargeisaPress) β€” Madaxwenaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo: β€œ oo halkaasi ka hadlay ayaa ku bilaabay Alxamdulilaahi rabil caalamiin, farxad waynbayΒ  ii tahay maanta inaan xaruntii xisbiga kulmiye imaado, xisbigii qaranka weeyi, xisbigii dawlada weeyi, xisbigu waa xisbi dimuqraadiya dhexdiisana waa lagu tartamayaa, wasiiradii iscasilay iyo kuwa joogaba waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin, kuwa naga tagayna waxaan leeyahay illaahay meel khayrle ha idin mariyo, annagu hadaanu nahay xisbiga kulmiye iyo dawlada waxanu nahay dhexdhexaad waxaanu nahay dawladii qarankani doortayΒ  ee shacabka iyo ummadduΒ  doorteenbaanu nahay, xisbi ummaddu u soo jeedo weeyi, maantana farxad weynbay ii tahay inaan halkan imaado kana qaato kaadhkii golaha dhexe, insha allahu tacaalaa, waxaan rajaynayaa in xisbigani kii guulaysto noqdo, kii ummadda hogaamiyo noqdo, aad iyo aadbaad u mahadsantihiin,”

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here