DAAWO Dooddii 2aad oo Maanta Dhexmartay Murashaxiinta Sadexda Xisbi

0
1190

Hargeysa, (HargeisaPress) —Murashaxiinta Madaxweyne-nimada ee ku loollamaya Doorashada 13-ka bishan la filayo inay ka qabsoonto dalka, ayaa maanta markii labaad isaga hor yimi Dood Xaasaasi ah oo lagu falan-qeeyey Arrimo Badan oo ka mid ah barnaamij-siyaasadeedyada saddexda Xisbi Qaran.

Murshaxiinta Xilka Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, KULMIYE Muuse Biixi Cabdi & WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa maanta mar kale Isku haleelay Dooddan oo ay wada-jir u qabsteen Telefishanka HCTV iyo Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, taas oo saddexda Murashaxba ay ku kaga jawaabayeen Su’aalo murashax kasta laga weydiiyey Wax-qabadka Xukuumaddiisa iyo Barnaamij-siyaasadeedka Xisbiga haddii uu talada dalka ku guulaysto.

HALKAN KA DAAWO DOODDA OO ADIGU QIIMEYSO CIIDDA GUUSHU KU RAACDAY DOODDAN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here