DAAWO: Barnaamijka Waxqabadka Oo Uu Marti Ku Ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha

0
521

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa sheegay in ay ka xukuumad ahaan weli ku adkaysanayaan in ay sharci tahay furista ururadda siyaasaddda, taasoo khilaafka ka dhex dhalisay xukuumadda iyo xisbiyadda mucaaradka ah ee Somaliland.


Wasiir Maxamed Kaahin Axme, oo marti ku ahaa Bandhigii Waxqabadka xukuumadda ee xalay oo uu marti ku ahaa, iyadoo barnaamijkaasi si toos looga daawanayay telefishanka qaranka Somaliland iyo idaacadda radio Hargeisa.
Barnaamijkaasi waxaa wasiirka arrimaha gudaha ku wehelinayay Taliyaha Ciidanka Booliiska ee Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Taliye Maxamed Saqadhi Dabagale, taliyaha ciidanka laanta socdaalka.


Taliyaha ciidanka ilaaladda xeebaha ee Somaliland taliyaha ciidanka dab-demiska, iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha iyo agaasimaha goboladda iyo degmooyinka ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.
Waxaanay dadweynihii barnaamijkaasi ka soo qayb galay wasiirka iyo taliyeyaasha waydiiyeen su’aallo la xidhiidha shaqadoodda, iyadoona ay masuuliyiintu dhamaanba su’aalihii la waydiiyay ay ka jawaabeen.

DAAWO: Barnaamijkaasi Oo Dhamaystiran:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here