Hargaysa (HP): Masuuliyiinta dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa ayaa maanta yeeshay kulan lagaga arrinsanayay adkaynta amaanka magaaladda.
Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee dawlada hoose ee Hargaysa, ayay ujeedkiisu daaranaa dar-dar gelinta arrimaha Amniga caasimadda Hargaysa.
Waxaana kulankan goob joog ka ahaa maayar ku-xigeenka caasimadda Hargaysa, Agaasimaha Amniga, Agaasimaha Diiwaan galinta Dhalashada iyo qaar ka mida Taliyaasha Laanta socdaalka ee jamhuuriyada Somaliland.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.