Xisbiga WADDANI Oo Dhaliilo U Jeediyay Madaxweyne Biixi iyo KULMIYE

0
602

Hargaysa (HP): Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Khadar Xuseen Cabdi, ayaa dhaliilo culus oo la xidhiidha doorashooyin u jeediyay madaxweyne Biixi iyo xukuumadiisaba.
Waxaanu sheegay in haddii madaxweyne Biixi iyo xisbiga Kulmiye ay diyaar u yihiin in dalkan doorashooyin ka dhacaan in ay hagar-daamada ka daayaan Komishanka doorashooyinka.
Isagoona ugu baaqay in madaxweynaha iyo xisbigiisu ay ogolaadana in hadda la bilaabo diiwaangelinta codbixiyeyaasha, isla markaana doorasho kastoo la gelayo in ay sharci tahay diiwaangelinta codbixiyeyaashu.
Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Khadar Xuseen Cabdi, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee xisbigaasi ee magaaladda Hargaysa, waxa kaloo uu xusay in madaxweyne Biixi uu ka war-wareegayo in la qabto doorashadda madaxtooyadda.
Waxaanu sheegay in sida ku cad warqadda wada jirka ah ee xisbiyada mucaaridku u direen madaxweynaha 24kii January, 2022-ka.
Sidaas darteedna ay xisbi ahaan aamminsan yihiin in hadda la joogo wakhtigii la dejin lahaa khariidadda doorashada madaxtooyada ee 13ka November, 2022-ka iyo doorashooyinka kale ee muddaysan. Iyada oo laga dheeraanayo inuu yimaaddo khilaaf sharci iyo Jaahwareer siyaasadeed.

Geesta kale Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI waxa uu tilmaamay in ay xisbi ahaan waafaqsan yihiin soona dhawaynayaan bayaanka ay soo saareen saaxiibbada Somaliland ee ku saabsan geeddi socodka doorashooyinka iyo guud ahaan horumarinta dumoqraadiyadda Somaliland.

DAAWO: Shirka Jaraa’id Ee Xoghayaha WADDANI:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here