Laascaanood (HP): Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ayaa maanta magaaladda Laascaanood ka dhagax dhigay cusbitaalka loogu tallo galay xanaanaynta iyo daryeelka dadka Dhimirka ka buka.
Dhagax dhiga cubsitaalka Dhimirka Laascaanood waxaa agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ku wehelinayay badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee Sool.
Waxa kaloo halkaasi goob joog ka ahaa agaasimaha cusbitaalka guud ee Laascaanood iyo maayarka cusub ee magaaladda Laascaanood.
Cusbitaalka Dhimirka Laascaanood ee maanta la dhagax dhigay waxaa laga maalgelinayaa miisaaniyadda qaranka ee dawladda Somaliland.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.