Ciidankii U Horreeyay Ee Maktabad Shaqadooda La Xidhiidha Samaystay

0
1078

Hargeysa (Hargeisa Press)- Maamulka Maktabada Sahan Books, ayaa Maktabada Ciidamada Dab-demiska Qaranka Somaliland gudoonsiiyay Buugaag ka hadlaya Cilmiga Dabdemiska.

Waxaana ka gudoomay Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Somaliland Sareeye Guuto Axmed Sawaaxili oo uu wehelinayo Xoghayaha guud ee ciidanka Dabdemiska Ibraahim Suldaan Xasan.

Maktabadan, ayaa ah tii u horreysay ee nooceeda ah ee Ciidamada Somaliland samaystaan, waxaanay ciidanku ku kasbanayaan aqoon ay ku dabaqi karaan hawlmaalmeedkooda.

Taliyaha, ayaa u mahadnaqay Maamulka Maktabada Sahan Books oo had iyo goor garab taagan ciidamada Dabdemiska iyagoo u sameeyay ciidanka Maktabadan Akhriska.

Sidoo kale, buugaagtan ayaa ku saabsan cilmiga iyo aqoonta dabdemiska ayaa wax badan ku soo kordhin doonta ciidamada Dabdemiska.

Ugu dambayn ciidamada Dab-demiska, ayaa wakhtiyada hawlgalada lagu jiro maahee, wakhtiga kale had iyo goor wakhti ku qaata waxna ku akhrista maktabada, sidoo kalena sameeya aqoon is waydaarsiyo iyo kala faaideysi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here