Soomaali Badan oo Laga Tarxiilayo Dalka Canada

0
742

Toronto (Hargeisa Press)- Dowladda Canada, ayaa wada qorshe ay ku doonayso inay dalkaasi kaga mustaafuriso dhallinyaro Soomaali ah oo ay sheegtay in si sharci darro ah dalkaasi ku soo galeen.

Dhallinyarada, ayaa la sheegay inay Canada ku soo galeen dokumentiyo aan sax ahayn. Waxaanay tiradoodu ka badan tahay 150 qof.

Soomaalida ku nool Canada, ayaa codsaday in Soomaaliya ay soo fara-galiso oo ay hor-istaago qorshahan ay dowladda Canada ku doonayso inay dalkeeda kaga mastaafuriso dhallinyarada Soomaalida ah.

Dadka u doodaya dhalinyaradan, ayaa sidoo kale waxay sheegeen in Soomaaliya looga baahan yahay inay soo cadeyso Soomaalinimadooda, si u midha-dhalaan dadaaladda lagu baajinayo in dhalintaas laga mastaafuriyo dalka Canada.

“Dhalinyaraddaan waxaa haysata walaac weyn oo tarxiilka ka qabaan, dadaal weyn oo laba weji leh ayaa wadnaa laakiin dadaalkayagu kaliya kuma filna waxaan u baahanahay in dowladda federaalka Soomaaliya ay soo dhex gasho oo ay soo cadeyso in wiilashan Soomaali yihiin,” ayuu yidhi mid ka mid ah dadka u doodaya dhalinyarada oo la hadlay Idaacada VOA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here