Daawo Muuqaal: Xildhibaannada Gobolada Galbeedka Ugu Jira Wakiillada Somaliland Oo Sheegay Inaanay Dib U Aqbali Doonin Saamiga Ay Golaha Ku Leeyihiin

0
796

Hargeysa, (HargeisaPress) — Mudaneyaasha golaha wakiillada Somaliland ugu jira gobolada Galbeedka Somaliland(Awdal iyo Salal), ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Hargeysa waxay ku dalbadeen in madaxweyne Siilaanyo ka badheedho saami qaybinta gobolada dalka Somaliland ee xubnaha golaha wakiillada.

Waxay diideen in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo xeerkii lagu soo doortay golaha haatan sanadkii 2005-tii, iyagoo ku dooday inaanay dib golaha ugaga mid ahaan doonin tirada saamiga ay hadda haystaan.

Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa ku dooday in mudane kastaa deggaankiisa tiro badan la doonayo “Maanta golahan wakiillada lagu qayb kari maayo saamiga golaha wakiillada.nin ba degaan buu ka soo jeedaa,nin walba qummanidiisa ayaa qoorta u sudhan, wuxuuna u hadlayaa degaankiisa, xaqna wuu u leeyahay inuu degaankiisa u hadlo laakiin, Madaxweynaha qaranku(Head state-ku) isagaa ka masuul ah inuu qaybiyo xildhibaannada 82-ka ah, dee shalayba nin baa noo badheedhaye madaxweynaha waxaanu leenahay badheedh maanta oo caddaalad ku qaybi, anaguse 13 xildhibaan oo dambe ku dhex fadhiyi mayno golaha wakiillada, doorashana lagu gali maayo gobolka Awdal oo sanduuqyo la gayn maayo” ayuu yidhi Xildhibaanku.

 

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa diidmo ka muujiyay hanaanka tirada codadka kala badan mudaneyaashu ugu soo kala baxaan “Illaa xal waara laga gaadho in anna aan Shan kun oo cod ku waayo Kursiga, Nin ila mid ahna Kun cod laba xildhibaan ku fadhiyaan umaddi waxay aqbali karto maaha, waana wax caddaaladda ka fog. Haddaanu qaranka ku dulqaadanaynay, haddaanu lahayn doorashadan baa citiraafka lagu helayaaye samra waa la kala heli wixii inagu kala maqane dee maanta way naga dhan tahay, maanta meel aanu dadkayagii ku marino 13-kii baa doorasho lagu galayaa ma joogto, arrintaas waanu qaadacnay, waanu ka soo horjeednaa, mana aqbalaynno” ayuu yidhi Xildhibaanku.

 

Mudaneyaal kale oo sidoo kale shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in cod dheer iyo mid gaaban ba ku sheegayaan sidaanay u aqbali doonin in gobolada galbeedku wakiillada ku yeeshaan 13 mudane. Waxay sheegeen in qodobkaasi diidmadiisu tahay mid ka go’an.

Xeerkan oo haatan golaha wakiillada hor yaala ayaa la saadaalinayay in dib u eegistiisu keenayso muran badan oo ku saabsan saami qaybsiga deggaannada oo qaar badani saluugsan yihiin sida loo qaybiyay, waxaanay mudaneyaashani noqonayaan kuwii u horeeyay ee cabasho xooggan ka muujiyay.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here