Ciidanka Amaanka Saaxil Oo Gacanta Kusoo Dhigay Qaar Kamida Kooxdii Saaka Weerarka Ku Qaaday Deegaanka Ceel Gardi

0
849

Berbera , (HargeisaPress) — Ciidanka amaanka gobolka saaxil ayaa mardhawayd gacanta kusoo dhigay laba kamida kooxdii saaka weerarka kusoo qaaaday deegaanka ceel gardi oo hoos yimaada gobolka saaxil iyo gaadhigii ay wateen.

 

Waxaana ciidanka amaanka gobolka saaxil ay wali ku daba jiraan kuwii kale ee falkani kula jiray.

 

Kooxdan saaka soo weerartay deegaanka ceel gardi oo kamida deegaanada hoos yimaada gobolka saaxil isla markaan ah deegaanka laga wado dekeda ay waxay kooxdani khasaare hantiyeed sii gaadhsiiyeen Gadiidkii iyo waliba agabkii kale ee meesha yaalay iyadoona aaanay goobtaasi lasoo weeraray aanay ka dhicin wax khasaare nafeed ah ama dhaawacba.

 

Si kasteba ha ahaateen maamulka gobolka saaxil iyo ka degmada berbera ayaa ka dhawaajiyay inay soo qabanayaan cidii ka danbaysay weerarkaasi, sidoo kalena ciidanka ayaa iyagu daba gal ku haya halkii ay u baxsadeen kooxdaasi.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here