Ciidamada Somaliland oo Fashiliyay Qorshe Lagu Khal-khal Gelinayay Amniga Magaalada Ceerigaabo

0
3675

Ceerigaabo (Hargeisa Press)- Badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse, ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Booliska gobolka oo gacan ka helayey qaybta saddexaad ee Ciidanka Qaranka ay fashiliyeen qorshe abaabulan oo lagu doonayey in lagu khal-khalgeliyo ammaanka gobolka Sanaag.

Badhasaab Axmed Cabdi Muuse oo u warramayay Wakaaladda Wararka dowladda Somaliland ee SOLNA, ayaa uga mahadceliyay ciidammada qaranka inay ka hor tageen koox doonaysay inay ammaanka magaalada Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag ka aloosaan falal amni darro.

Waxaa kale oo uu Badhasaabku soo dhaweeyay weeyeel iyo waxgarad maamulka gobolka Sanaag iyo ciidammada booliska iyo kuwa qaranka kala shaqeynayay dhicisaynta kooxdaas iskudayey inay rebshado ka sameeyaan magaalada Ceerigaabo.

Badhasaabka, ayaa wuxuu shacbiga reer Ceerigaabo ku booriyay inay meel uga soo wada jeedaan cid kasta halis ku ah nabadgelyada Ceerigaabo iyo deegaannada gobolka Sanaagba.

Waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay Ceerigaabo mid ah iyo gobolka Sanaag oo isku duuban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here