Wasiir Liibaan oo Ka-Warbixiyay Shir Lagaga Hadlayo Somaliland oo Ka-Socda Mareykanka

0
1821

Atlanta (Hargeisa Press)- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, ayaa ka warbixiyay shir balaadhan oo ka socda magaalada Atlanta ee gobolka Georgia ee dalka Mareykanka, kaasi oo lagaga hadlayo Somaliland.

Wasiirka Liibaan oo shirkaasi ka qayb galay, ayaa waxaa uu sheegay in shirkaasi ku saabsan Somaliland ay isgu yimaadeen dhalinyaro badan oo xirfadlayaal ah oo ka kala yimid gobolada dalka Mareykanka.

Waxaa uu Wasiirku xusay in shirkani yahay mid sanad la ah oo dalka Mareykanka lagu qabto, isagoona sheegay in ay ka soo qayb galeen Siyaasiyiin ka soo jeeda Somaliland oo xilal ka haya dalka Mareykanka.

Shirkan, ayuu sheegay in lagaga hadlayo arrimo badan oo ay ka mid yihiin Qadiyada Somaliland, Siyaasada, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, ayaa sheegay in shirkan ay ka soo bixi doonaan waxyaabo badan oo faa’ido u ah Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here