Ciidamada New Police-ka Oo La Sheegay Inay Gudaha Usoo Galeen Degmada Balli-dhiig Ee Gobolka Togdheer Iyo Fal Karaamo Dhac Ku Ah Qaranka Somaliland Oo Ay Sameeyeen Ciidamadu

0
993

BURCO , (HargeisaPress) —Wararka naga soo gaadhaya  gobolka togdheer ayaa sheegaya in ciidamada News police-ka ee dawlad deegaanka somalida itoobiya ay  soo galeen gudaha degmada balli-dhiig oo kamida degmooyinka gobolka togdheer.

 

Waxaana ciidamada News Police-ku markii ay soo galeen degmada la shegay in ay abaareen maqaaxi ku taala degmada taasi oo kulmisa badanaana ay iskugu yimadaan odayaasha,dhalinyarada iyo bulshada degmadu, waxaana la sheegay in si kibir ku jiro  ay ciidmadu u jarjareen calanka Somaliland ka dul ba’banaya maqaaxida dusheeda.

 

Maqaaxidan aya sidoo kale la sheegay inuu hore uga dhashay khilaf is qabsi ah oo ka dhex dhashay taliyha ciidanka degmada balli-dhiig iyo taliyaha ciidamada News Police-ka kuwaasii o isku qabsaday in maqaaxidani ay raacsan tahay mid kasteba dhankiisa uu sheegtay balse gabagabadi  wada hadal iyo baadhis badan oo la sameeyey kadib la sheegay inay maqaaxidan saaka calanka somaliland lagu jarjaray ay raacsan tahay xuduuda dhanka dawlada Somaliland.

 

Sidoo kalena waxa la sheegay in ciidamadani  dadkii goobta ku sugnaa ay ku abaareen baqdin iyo hanjabaado dil ah, iyada oo ay xusid mudan tahay inaanay gudaha degmada waxba ka samayn balse ay talaabadani tahay mid wax wayn u dhimaysa qaranimada Somaliland.

 

Maamulka degmada iyo ka gobolka togdheer Ayaan ilaa hadda ka hadal ciidamadan gudaha usoo galay degmada ee jar jaray calanka somaliland, mar aaan isku daynay inaan la xidhiidhno oo aan wax ak waydiino arinkani maamulka degmada balli-dhiig ayanay noo suurto galin.

 

Talaabooyinkan oo dhami waxay ka cadhaysiiyeen dadweynihii degaamadaas kuwaasoo bilaabay is abaabul iyo shirar ay ka arin sanayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen  gumaadka iyo baro kicinta dadkan aan waxba galabsan ay ku hayaan ciidamada dowlad Degaanka somalida Ethiopia Liyuu Boolisku.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

 

fikirkaaga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here