Ciidamada Eritrea Oo Bilaabay Inay Isaga Baxaan Gobolka Tigray

0
733

Makele (Hargeisa Press)- Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamo ka soo jeeda dalka ay deriska yihiin ee Eritrea ay bilaabeen inay isaga baxaan gobolka Tigray.

Ciidamada Eritrea, ayaa ka garab dagaallamayay ciidamada Itoobiya xilliggii ay hawl-gallada ka dhanka ah TPLF ay ka socdeen halkaasi.

Jimcihii ina dhaafay ayaa dalalka ku horumaray warshadaha ee G7  ay ku baaqeen in ciidamada Eritrea ay isaga baxaan gobolkaasi, isla markaana waxay cambaareeyeen dilka loo geystay dad rayid ah iyo tacaddiyo ka dhacay gobolka Tigray.

Waxay sidoo kale codsadeen in la furo marinka gargaarka banii’aadinimo lagu gaarsiinayo shacabka tabaaleysan ee ku nool gobolka ay colaadaha saameeyeen ee Tigray.

Qaramada Midoobey waxay marar badan walaac ka muujisay dhibaatada ka taagan gobolka oo adkeeyay howlaha gargaarka.

Toddobaadkan labo xero oo ku yaalla gobolka oo ay ku nool yihiin 2,000 qof ayaa la burburiyay halka dhac loo geystay shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here