“Cidna ka aqbali mayno gor-gortana ka geli mayno sugidda xuduudaha Somaliland”…

0
640

Laasaacood (HP): Guddoomiyaha gobolks Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa uga digay maamulka Puntland oo ku soo xadgudbay deegaamo ka mid ah dhulka Somaliland.
Kuwaasoo uu sheegay in ay deegaamayn cusub ka wadaan meello ka tirsan gobolka Sool.
C/qani Maxamuud Jiidhe, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu maanta ka jeediyay munaasibad ay xilalka kula kala wareegayeen maamulkii hore iyo ka cusub ee degmadda Laascaanood.
Waxaanu yidhi, “Waxaan mar kele baaq u jeedinayaa bulshada Reer Garoowe ee Puntland Soomaaliya ee oo xogaha na soo gaadhaya ay sheegayaan inay ku soo xad-gudbeen oo ay deegaamayn ay ka wadaan dhul ka mid ah xadka Jamhuuriyadda Somaliland ee gobolka Sool”.

Badhasaabka waxa uu intaas raaciyay in aanay cidnaba ka aqbali doonin in ay ku soo xadgudubta xuduudaha Somaliland.
“Waxaanan farayaa inay ka waan toobaan. Ka maamul Gobol ahaan cidna ka aqbali mayno gor-gortana ka geli mayno sugidda xuduudaha Dastuuriga ah ee jamhuuriyadda Dowladda Somaliland”ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here