Agaasimaha Wasaaradda Deegaanka oo Furay Shir Farsamo

0
500

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deeganka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Ducaale, ayaa maanta magaaladda Hargeysa ka furay shir farsamo oo heer sare ah.

Shirkani, ayaa lagaga hadlayaa saamaynta qiimaynta Raad-reebka Deegaanka iyo bulshada ee mashaariicda horumarineed ay ku leedahay arrimaha degaanka.

Waxaanu shirkani u dhexeeyay Wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo Madaxda Baanka Adduunka u qaabilsan arrimaha ilaalinta bed qabka deegaanka iyo bulshada ee Bariga Afrika.

Kaas oo ay ka soo qayb galeen wasaarradaha iyo hay’addaha dowlada ee fuliya mashaariicda horumarinta ee saamaynta ku keeni kara Deegaanka iyo bulshada.

Geesta kale, shirka waxa la isla gartay in mashaariicda horumarinta laga eego saamaynta ay ku yeelan karaan degaanka iyo bulshada, si looga fogaado dhibaato soo gaadha bad-qabka deegaanka.

Waxa kale oo la isla gartay in kor loo qaado Tayada farsamo iyo aqoonta la xidhiidha saameynta qiimaynta Raad-reebka Deegaanka iyo bulshada ee Wasaaradda Degaanka iyo Isbdedelka Cimilada.

Sidoo kale, waxaa shirkaasi la iskula qaatay in la xoojiyo wadashaqaynta hay’addaha dowlada iyo kuwa aan dawliga ahayn ee fuliya mashaariicda horumarinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here