Caynaba: Cuqaal Waxgarad iyo Hween Lagu Tababarayo Dastuurka iyo Waddaniyadda

0
409

Caynaba (HP): Wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka JSL ayaa maanta magaalada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar ka daah-furtey tababar ku saabsan Dastuurka iyo Waddaniyadda.


Waxana tababarkaasi ka faa’iidaysanaya Cuqaasha, waayeelka, waxgaradka, haweenka iyo dhalinyarada Xaafadaha magaalada Caynaba.

Furitaanka tababarkaasi waxaa ka qayb galay gudoomiyaha gobolka Saraar Maxamed Cismaan Xaaji Axmed, Maayirka Degmada Caynabo Xasan Yuusuf Aadan, iyo masuuliyiin ka socday wasaaradda xidhiidhka goleyaasha.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here