Carwada Ganacsiga Geeska Africa oo Lagu Qabanayo Magaalada Wajaale

0
887

Tog Wajaale (Hargeisa Press)- Waxaa magaalo ganacsiyeedka Tog Wajaale ee Somaliland lagu qabanayaa Carwada ganacsiga Geeska Africa.

Carwadan ayaa waxaa ay noqonaysaa Carwadii ugu weynayd ee Somaliland lagu qabto taasi oo ay ka soo qaybgalayaan Ganacsato iyo Maalgashadeyaal ka kala socda wadamada Jabuuti iyo Itoobiya.

Bandhiga Carwadan oo socon doonta mudo 7 cisho ah ayaa  waxaa lagu soo bandhigi doona waxyaabaha kala duwan ee ganacsiga oo ay ka mid yihiin, Adeegyada Bangiyada, shirkadaha Isgaadhsiinta, wax soo saarka Dharka iyo Kabaha, Dalaga Beeraha, Milixda iyo Kaluunka, macradada Baaburta, Agabka Guryaha iyo ganacsiyo kale.

Hoos ka daawo warbixin ku saabsan carwada ganacsiga

Hargeisa Press Desk/Wajaale Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here