Hawlo Macdan Baadhis Ah oo Laga Bilaabayo Berbera

0
1698

Berbera (Hargeisa Press.com)- Wasaarada macdanta iyo Tamarta Somaliland ayaa waxaa ay halwo Macdan Baadhis ah ka bilaabaysaa deegaanka Ceel-dhamasle magaalada Berbera.

Wasiirka macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa maanta kormeer ku tegay degaanka Ceel-Dhamasle ee gobolka Saaxil oo ah deegaanka macdanta laga qodayo.

Degaanka Ceel Dhamasle ayaa dhaca ama  ku yaalla buuralayda dhinaca xeebta ee gobolka Saaxil.

Degaankaasi oo la filayo in dhawaan wasaaradda macdantu ay ka bilaabi doonto hawl dhinaca macdan baadhista ah.

Wasiirka waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay badhasaabka Saaxil, xoghayaha dawladda hoose ee Berbera iyo masuuliyiinta degmadda Xagal.

Waxaanay wasiirka iyo masuuliyiinta la socday kulamo la yeesheen waxgaradka bulshadda ku dhaqan degaanka Ceel Dhamasle.

Hargeisa Press Desk/Berbera Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here