Carwada Buuggaagta Caalamiga Ah Oo Maanta Hargeysa Si Rasmi Ah Uga Furantay + SAWIRRO

0
1223

Hargeysa (HargeisaPress) — Carwada Caalamiga ah ee Buuggaagta(Hargeysa International Book Fair) ayaa maanta si ramsi ah uga furantay magaalada Hargeysa. Carwadan oo sanad leh ayaa sanadkii todobaad ka furantay Hargeysa. Waxaa ka soo qayb galay Furitaanka Carwada Buuggaagta  Ergooyin Qoraayo ah oo Soomaali iyo Ajanib iskugu jira, Masuuliyiinta Xukumadda, Bahda Qoreyaasha iyo Dadweyne kale.

Carwada buugagta har

Jaamac Muuse jaamac oo furitaanka Carwada hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Hal ku dhiga sanadkan ee Carwada Buuggaagtu yahay “Mala-awaalka”, isagoo sheegay in sanad kasta diirada lagu saaro  mid ka mid ah arimaha bulshada ka dhex jira. Waxa uu sidoo kale mahadnaq iyo soo dhaweyn u muujiyay dadkii kaalinta ka gaystay qabsoomida Carwada, sida Ururada Qoraayada Somaliland iyo Midawga Yurub.

Carwada Buuggaagta Caalamiga 4

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, Wasiir Sacad Cali Shire iyo masuuliyiin kale oo afka xukumadda ku hadlayay ayaa ku dheeraaday muhiimada Qoraalka iyo Buuggaagta, iyagoo sidoo kalena soo dhaweeyay martiga wadamada dibada ka socoday ee ka soo qayb galay Carwada Buuggaagta.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here