Xukuumadda Somaliland oo diyaarinaysa xeerkii lagu dhaqi lahaa Xawaaladaha lacagta

0
988

Madaxweyne ku xigeenka SomalilandHargeysa (HargeisaPress) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici, ayaa ka qaybgallay kulan lagaga hadlayey xeer loo samaynayo xawaaladaha oo la doonayo in baarlamaanka loo gudbiyo.
Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr:Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in Xeerkani adkaynayo sidii Qof kasta oo Lacagta Xaawladdaha lagu soo diray qaadanayaa uu u haysan lahaa Aqoonsi rasmi ah oo lagu siiyo, waxaanu tilmaamay in wakhtigi hore lagu siin jiray damiin iyo garasho gaar ahaaneed.
“Xeerka Nuxurkiisu waxa weeye Aqoonsiga Cida Lacagta soo dirtay iyo cida qaadanaysa iyo doorka Bangiga dhexe ku leeyahay oo ah Hay’addii dawliga ahayd ee loo xilsaaray inay maarayso oo xakamayso dhaqdhaqaaqa Lacagaha iyo Shirkaddaha Lacagta ka ganacsadaba(Xawaaladdaha).” Ayuu yidhi Wasiirka
“Horta runtii wuxuun baa muhiim ah in Qofka la aqoonsado, Inagu waxaynu leenahay habab dadka lagu aqoonsado oo aan waraaqo uun ahayn, Abtirsiin ayaa lagu aqoonsadaa, Damiin ayaa qofka laga qaadaa, Qofka waaba la yaqaanaa oo waxaaba laga yaabaa inuu Mudo badan Shirkadda Macmiil la ahaa oo Qof aan la aqoonsan Lacag lama siiyo. Hase yeeshee Caalamku Aqoonsigaasi ma yaqaane Aqoonsiga waraaqaha ah ayuu yaqaanaa, waa Inaad keentaa Passport, ama Liisankii Darawalnimo ama Kaadhkii Aqoonsiga iyo Aqoonsigii dhalasho.” Ayuu raaciyey hadalkiisa.
“Lacagta dadka reer Somaliland ka soo gasho xawaaladaha waxay saddex jeer ka badan tahay missaaniyadda dowlada, waa lacag badan runtii nolosha dalka iyo dowladaba laf dhabar iyo hal bawlo, haddii ay tahay miisaaniyadda 2014 $152 million tahay waxa lacagta xawaalada sanadkii soo gasha dadkeena miyi iyo magaalaba, waxa ay ka badan tahay $300 ila $400 million”ayuu yidhi wasiirka Maaliyadda C/casiis Samaale oo ka hadlayey lacagta loo soo diro dadweynaha Somaliland.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici ayaa isna soo dhoweeyey xeerkan loo samaynayo xawaaladaha iyo sida loo maamulayo, waxaanu yidhi “waxa aanu dareensanahay ahmiyadda ay leedahay iyo baahidda loo qabo in la waafajiyo dirista iyo bixinta lacagaha caalamka la dhigo in lagu maareeyo”.
“Waxa aan ku hambalyaynayaa gudoomiyaha iyo shaqaalaha bangiga dhexe deedaalka ay ka galeen soo diyaarinta sharciga ka hor taaga dhicidda lacagta ee halkan maanta lagaga doodi doono”ayuu raaciyey hadalkiisa.
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay maamulaha guud ee xawaaladda Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid iyo gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland oo isagu munaasibadan soo qabanqaabiyey.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here