Warbixin Lagu Sharaxay Walaaca Laga Qabo Khatar Amni Daro Oo Ay Horseedaan Ciidanka Ilaalinta Shirkaddaha Shidaalka Somaliland

0
1025
Photo: Glovatskiy/Shutterstock - Oil exploration in Somaliland may reignite old feuds.
Photo: Glovatskiy/Shutterstock – Oil exploration in Somaliland may reignite old feuds.

Hargeysa (HargeisaPress) — Warbixin ay baahisay Wakaaladda Qaramada midoobay ee IRIN oo ka hadasha Arimaha amaanka iyo bani-aadanimada ayaa lagu sheegay walaaca dhinaca amaanka ah ee laga qabo Ciidanka ilaalada Shirkaddaha Shidaalka (Oil Protection Unit) ee Sanadkii hore Somaliland sheegtya inay samaynayso.

Warbixinta  oo Shalay IRIN daabacday ayaa sheegaysa in Ciidankaasi mushkilad amni daro ka abuuri karaan Gobolada Sool iyo Sanaag oo Shidaalka ugu badan laga baadhayo, halkaasi oo aanay amaankeedu fiicnayn islamarkaana Somaliland iyo Puntland ku muransan yihiin.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay inaanay Somaliland u baahnayn dhaqaale kale oo dheeraad ah oo ay Ciidankaasi ku bixiso. Waxay sheegtay IRIN in Ciidankan oo aan wali la hir galin, lahayn shaqaale iyo Saldhig ay ka hawl galaan, balse Somaliland ay ka go’antahay dhamaadka sanadkan inay hawl galaan, lacagta ku baxaysaa tahay $20 ilaa 25 Milyan oo Dollar sanadkii. Waxay sheegtay in Somaliland boqolkiiba afar iyo konton(54%) Miisaaniyada Somaliland oo dhan 212 Milyan lagu bixiyo Amaanka.

Warbixinta oo ka hadlaysay Dhibaatada amaan daro ee ay Ciidankani horseedi doonaan waxay sheegaysaa in Xiisada Puntland iyo Somaliland kor u kacayso. Waxay sheegtay in Xukumadda Muqdisho kor u qaaday tartankeeda ay ku raadinayso inay Somaliland ka hor istaagto shidaal baadhista iyo inay kordhiso taageerada kooxaha Somaliland ka soo horjeeda.

“Waxaa bilihii u dambeeyay la arkayay in Maamulka Puntland iyo Xukumadda Muqdisho ee Somalia ay kordhiyeen danayntooda Siyaasaddeed iyo taageerada dhaqaale ee ay siinayaan hogaamiyeyaasha Sool ee Diidan Somaliland, kuwaasi oo doonaya inay dhisaan Maamul Somalia hoos taga oo Khaatumo la yidhaahdo. Muqdisho waxay Hargeysa kula tartamaysaa Sharciyada ay u leedahay Shidaal Baadhista” ayaa lagu yidhi Warbixinta.

“Marka saddex dhinac oo kala duwan si wax  u kala tafsiirtaan amma cidda iska leh dhulka, ciidammada Somaliland ee Ilaalada Shidaalka ee OPU waa qaar khatar badan keeni kara, calaamad colaadeedna u diraya oo tilmaamaya in cidii kula tartamaysay aanay awood lahayn, taasina waxay hurinaysa colaada ka taagan degaannadaas (Sool iyo Sanaag).” Sidaa waxa yidhi qof warbixintu soo xigatay oo ka hawlgala horumarinta shidaalka oo diiday in magaciisa la sheego.

Warbixintu waxay walaac ka muujisay Sharciyada Ciidanka Shidaal Baadhista OPU oo Xukumaddu ku doodayso inay ka mid yihiin Ciidanka Booliska islamarkaana aanay ahayn Ciidan gaar ah, iyadoo dastuurka Somaliland na Ogolayn.  Wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale ayaa IRIN u sheegay inaan Shirkaddaha shidaalku ka cabanayn dadka degaanka balse ay ka walaacsan yihiin kooxaha kale sida Al-shabaab, sidaasi darteedna aanay ciidankani cidna ku ahayn khatar.

Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte, oo Golaha wakiilada Somaliland ka tirsan ayaa IRIN u sheegay in Ciidan kasta oo ka baxsan Ciidanak Militariga, Booliska iyo Ciidanka badda uu dastuurka baal marsan yahay islamarkaana ay tahay in Baarlamaanku meel mariyo sharciyadooda.

“Waxaan aaminsanahay inay Unug ahaan u baahan yihiin Sharci u Ogolaanaya inay hawl galaan, si loogu maamulo. Inta sharcigaasi lagu maamulayaa jirina waxay noqonayaan Ciidan Militari oo aan sharci ahayn” ayuu yidhi Xildhibaan Rayte.

Warbixinta waxa lagu sheegay in La-taliyaha Ammaanka ee Dawladda Ingiriiska Mr. Assaye Risk uu Somaliland talo ahaan ku siiyey inay si hordhac ah u shaqaalaysiisato  420 askari oo ciidammada OPU lagu bilaabo, tirada guud ee ciidankana lagu jaan-gooyo 580 askari, kuwaasoo loo kala qaybin doonoo lix unug oo si toosa u hoos taga Wasaaradda Arrimaha Gudaha, si looga hortago khataraha ku imaan kara shirkadaha shidaalka ee dalka ka hawlgalaya, iyadoo kharashaadka ciidankan ku baxayana ay bixinayso shirkadda Genel Energy.

Shirkadaha Somaliland shidaalka ka baadhaya oo ay hormood u yihiin shirkadda Turkiga laga leeyahay ee Genel Energy, shirkadda Imaraadka ah ee RAK Gas, shirkadda Norwegian/UAE ee DNO iyo shirkadda Ansan Wikfs oo dalka Yemen ka diiwaangashan leeyahay, ayaa ciidammadan ilaalin doonaan marka ay hawshooda si rasmi ah u bilaabaan.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here