Hargaysa: Kulanka Samaynta Nidaamka Casriga Ee Maamulka Shaqaalaha Dawladda HRMIS

0
246

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa maanta magaaladda Hargaysa, ka furay samaynta nidaamka casriga ah ee maamulka shaqaalaha dawladda ee loo yaqaanno (HRMIS).


Xafladdan oo uu guddoominayay guddoomiyaha haayadda Shaqaalaha Dawladda Khaalid Qodax, waxa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka haayadda Shaqaalaha Dawladda, qaar ka mid ah Agaasimeyaasha guud ee wasaarradaha dawladda iyo Agaasime waaxeedayada Cududda Shaqaalaha ee wasaarradaha iyo haayadaha dawladda.
Intii xafladdu socotay waxa lagu soo bandhigay muuqaallo sharraxaya qaabka uu noqonayo nidaamkan cusubi, qaybaha uu ka kooban yahay, sida uu ula shaqaynayo nidaamyada kale ee dalka ka jira, faa’iidooyinka uu u leeyahay qaranka iyo guud ahaan sida uu u shaqaynayo.
Masuuliyiinta kulankan ka soo qayb-gashay ayaa iyagu na hadallo isugu jiray su’aalo iyo soo jeedimo ka dhiibtay, waxaanay haayadda Shaqaalaha Dawladda uga mahad naqeen dedaallada ay ku bixinayso kor u qaadista tayada maamulka shaqaalaha dawladda.


Waxaanay sheegeen sida ay ugu heellan yihiin in ay si buuxda ula shaqaayaan, gaar ahaanna nidaamkan cusubi uu wax wayn ka tari doono wada shaqaynta haayadda Shaqaalaha Dawladda iyo Agaasimayaasha.
Guddoomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda Somaliland Khaalid Qodax, oo si rasmiya u daah-furay barnamijkaasi ayaa sheegay in mashruucani uu wax weyn ka tari doono hawlaha samaynta nidaamka shaqaalaha dawladda.
Waxaanu tilmaamay guddoomiyuhu in mashruucani uu ka gacan siinayo ama kala shaqaynayo dhinaca dhaqaalaha Baanka Adduunka.
Ugu dambayn, guddoomiye Ku-xigeenka haayadda Shaqaalaha Dawladda oo kulankaas soo xidhay ayaa u mahad naqday masuuliyiintii ka soo qayb-galay.


Waxaanu sheegay in samaynta nidaamkan cusubi uu yahay mid ka mid ah guulaha ugu waawayn eel aga gaadhay maamulka shaqaalaha dawladda, isla markaana culays badan oo saarnaa haayadda shaqaalaha uu ka qaadi doono.
Guddoomiye ku-xigeenka haayadda shaqaalaha dawladu waxay tilmaantay in barnaamijkani uu wax badanna fududayn doono. Isagoona u mahad celiyay cid kasta oo ka soo shaqaysay ama gacan ka gaysatay nidaamkan cusub, iyo sidoo kale Baanka Adduunka oo haayaadda shaqaalaha gacan ka siinayay hawshan.

DAAWO: Samaynta nidaamka casriga ah ee maamulka shaqaalaha dawladda HRMIS:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here