C/raxmaan Saylici Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyay Arday Ka Qalin Jebisay Jaamacadda IHU

0
528

Boorama (HP): Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa  maanta  magaaladda Boorama kaga qayb galay munaasibad loo sameeyay arday ka qalin jebiyay jaamacadda Horn University faraceedda magaaaladda Boorama.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi   kala qayb galay madaxweyne ku xigeenka guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, masuuliyiinta wasaaradda waxbarashadda iyo kuwa gobolka Awdal iyo degmadda Boorama, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Ardayda qalin jebisay ee munaasibadda loo qabtay ayay tiradoodu dhamayd  114 arday, oo ka aflaxay qaybta lagu barto caafimaadka ee jaamacadaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, oo shahaadooyinka guddoonsiiyay  ardayda qalin jebisay ayaa ku bogaadiyay ardayda mudadda dheer ee ay soo wadeen  geedigoodda waxbarasho.

Geesta kale Maxamed Cabdi Ismaaciil, guddoomiyaha jaamacaddaHorn Unversity faraceedda Boorama ayaa hambalyeeyay ka qalin jebiyay jaamacadaasi.

Waxaanu sheegay in ay barteen culuum kala duwan oo la xidhiidha dhinaca caafimaadka.

 

Daawo Sawiiro Dheeraad Ah:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here