Burco: Xisbiga UCID Oo Qaabilay Afar Murashax Oo U Tartamaya Goleyaasha Wakiiladda iyo Deegaanka

0
444

Burco (HP): Xisbiga mucaarad ah ee UCID ayaa shalay magaaladda Burco ku qaabilay afar murashax oo xisbigaasi uga kala tartamaya doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo Wakiiladda ee gobolka Togdheer iyo degmadda Burco.

Waxaana munaasibadaasi oo lagu qabtay magaaladda Burco ka soo qayb galay guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, murashaxa madaxweyne ku-xigeenka UCID Prof. Axmed Cabdi Muuse Abyan, masuuliyiinta xisbigaasi ee gobolka Togdheer.

Madax dhaqameedka beelaha ay ka soo jeedaan afarta murashax, taageereyaasha murashaxiintaasi, haween dhalinyaro cuqaal, iyo dadweyne kaloo fara badan.

Kuwaasoo balan qaaday in ay codkoodda siinayaan xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee UCID marka la gaadho doorashooyinka.

Waxaana munaasibadaasi hadalo ka jeediyay masuuliyiintii iyo madax dhaqameedkii kala duwanaa ee ka soo qayb galay, iyadoo ay xafladaasi lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka.

Daawo: Munaasibadaasi iyo hadaladii Laga Jeediyay:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here