Agaasimaha Guud Ee W. Deegaanka Oo Dhagax Dhigay Xaruntii 2aad Ee Kobcinta Dhirta

0
414

Ceerigaabo (HP): Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga C/naasir Axmed Xirsi, Somaliland ayaa maanta gobolka Sanaag ka dhagax dhigay xarun loogu tallo galay kobcinta dhirta kala duwan.

Waa xaruntii labaad oo ka mid ah mashruuca REEV oo la doonayo in goboladda Sanaag iyo Saraar lagaga hirgeliyo xarumo lagu xanaaneeyo dhirta.

Kuwaasoo  qorshuhu yahay in saddex xarumood oo kobcinta dhirta ah laga hirgeliyo goboladda Saraar iyo Sanaag.

Iyadoo shalay uu agaasimaha ka dhagax dhigay gobolka Saraar xarun lagu xanaanaynayo dhirta, halka uu maantana ka dhagax dhigay gobolka Sanaag gaar ahaana deegaanka Surka ee barriga magaaladda Ceerigaabo.

Iyadoo xarunta saddexaadna laga dhagax dhigi doono degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag, taasoo iyadna loogu tallo galay in ay noqoto xarunta kobcinta dhirta.

Dhagax dhiga xaruntaasi waxaa agaasimaha guud ku wehelinayay Ismaaciil Cabdi Xasan, badhasaab ku-xigeenka gobolka Sanaag, isku-duwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Sanaag, isku-duwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Sanaag, xubno ka tirsan golaha deegaanka Ceerigabao iyo masuuliyiin kale.

U jeedadda laga leeyahay hirgelinta xarumahan dhir kobcinta ayaa qayb ka ah ka hor tagga xaalufka ku dhacay dhirta iyo deegaanka, isla markaana si loo hello dhir bedesha kuwii dhamaaday.

Bedka dhulkaasi ayaa dhan 6MT oo laba jibaaran, kaasoo loogu tallo galay in lagu beerro noocyadda kala duwan ee dhirta.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here