Burco: Xanuun Aan La Aqoonsan Oo Dad Badan Soo Ritay

0
875

Burco (Hargeisa Press.com): Xanuun aan weli la aqoonsan ayaa labadii todobaad ee u danbeeyay dad badan ku soo ritay magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Xanuunkaasi oo ay bulshadu u bixiyeen Kuduudiye, ayaa lagu soo waramayaa in dad aad u badan ay u jiifaan cusbitaaladda iyo guryaha magaaladda Burco.

Dadka xanuunkani haleelay ayaa laga soo xigtay in uu leeyahay Xumad aad u daran ama qandho iyo Kala-gosyadda lugaha oo ay dadku aad uga cabanayaan.

Waxaana lagu soo waramayaa in xanuunkaasi uu ku dhacayo da’a kastoo ka mida ah bulshadda caruur iyo waayeel-ba.

Sida uu cadeeyay Dr. Iid Maxamuud Cali, oo ka hawl gala cusbitaalka Carataaf oo ah cusbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla magaaladda Burco oo maanta la hadlay Horn Cable TV.

Waxaanu yidhi “Dadku siday u badan yihiin way ka cabanayaan xanuunkani. Waxaanu leeyahay Xumad fara badan oo gaadhaysa 38.

Dadka dadka qaarna fadhigaba kama kacayaan. Jilbo xanuun iyo Lafo xanuun iyo cun-cun maqaarka ah ayay dadka qaarkood leeyihiin”.

Xanuunkan ay dadku u bixiyeen Kuduudiye, ayaa calaamadaha lagu garan karo qofka uu haleelay waxaa ka mida qandho iyo kala-gosyadda oo qof si daran u xanuuna.

Sida uu sheegayo Dr. Iid Maxamuud Cali, “Calaamadaha lagu garanayaa way kala duwan yihiin. Laakiin, dadku waxay ka siman yihiin waa Xumadda iyo Kala-gosyadda xanuunaya”.

Geesta kale Dr. Iid Maxamuud Cali, waxa uu faafaahin ka bixiyay waxyaabaha loo malayn karo in uu sababay xanuunkani iyo sida looga hor tegi karo.

Isagoona xusay in aanu xanuunkani ahayn mid dilaa ah, maadaama oo aan ilaa hadda la ogayn cid u dhimatay.

Waxaanu yidhi “Waxaa loo sababayn karaa, in ay keentay xanuunkani is-bedelka cimiladda ee Dayrta iyo xili roobaadka maalmahan jira iyo nadaafad xumadda magaaladda Burco ka jirta ayaa u sabab ah in uu xanuunkani faafo.

Xanuunkani ma aha dilaa, oo ilaa hadda qof u dhintay ma jiro. Waxaa lagaga hor tegi karaa, in nadaafadda magaaladda kor loo qaado”.

Maadaama oo xanuunkani uu yahay mid cusub oo aan weli si cad loo aqoonsan sidee ayaa loo ogaan karaa waxa uu yahay iyo halista uu bulshadda ku keeni karo haddii aan wax laga qaban.

Waxaa arrintaas sharaxaad ka bixiyay Dr. Iid Maxamuud Cali, “Waa in cilmi baadhis la sameeyo, oo la ogaado wuxuu yahay xanuunkani.

Waana in wasaaradda caafimaadku ay samayso baadhitaan lagu ogaanayo xanuunkani” ayuu yidhi Dr. Iid Maxamuud Cali.

Dhinaca kale masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka Somaliland iyo kuwa gobolka Togdheer u qaabilsan wasaaradda caafimaadka ayaan weli si rasmiya uga hadal xanuunkan aan la aqoonsan ee haleelay bulshadda Burco.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here