Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda Shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland, ayaa waxaa ay maanta magaalada Hargeysa ka daahfurtay barnaamijka ololaha wacyigelinta ee tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo dadka nugul.
Madasha kulanka, ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka wasaaradda Shaqo-gelinta Somaliland, Agaasimaha guud ee wasaaradda, daneeyayaasha arrimaha haweenka, hay’addaha kala duwan ee ka hawl gala dalka ee maxaliga iyo kuwa caalamiga ah iyo mudan kale.
Kulanka ololaha wacyi-gelinta ee ku aadan tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo dadka nugul, ayaa waxaa uu socon doonaa muddo 16 cisho.
Waxaa kulanka lagu lafo gurey sidii loo meel marin lahaa xeerarka iyo siyaasadaha ka dhanka ah tacdiyadaasi iyo sidii 16ka cisho ee soo socdo wacyigalin balaadhan dalka oo dhan loo gaadhsiin lahaa.
Sidoo kale, furitaanka kulanka ololaha wacyigelinta ee ku saabsan haweenka, ayaa waxaa hadalo ka jeediyay madaxdii iyo masuuliyiintii ka qayb gashay.
Waxaanay dhamaantood si qoto dheer uga warameen dhibaatooyinka la xidhiidha tacaddiyada ka dhanka ah haweenka, iyagoona ka sheekeeyey dhibaatooyinka loo gaysto haweenka iyo sidii wax looga qaban lahaa.