Boqor Buur-madow Oo Ka Hadlay U Jeedadda Safarkiisa Muqdisho iyo Baydhabo

0
756

Muqdisho (HP): Boqor Cismaan Aw Maxamuud Maxamed (Buur-madoow), ayaa markii u horaysay ka hadlay safarkiisa uu ku tegay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Boqor Buur-madoow, oo ka mid ah madax dhaqameedka ka soo jeedda Somaliland ayaa 14-kii bishan ka degay magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sidoo kale, boqor Buur-madow, waxa uu safar ku tagay magaalada Baydhabo, ee xarunta maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halkaasoo ay ku sugan yihiin qoysas ay hore ay hore Somaliland uga masaafurisay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Boqor Buur-madow, oo hadda ku sugan magaaladda Muqdisho oo maanta u waramay BBC-da ayaa uga war bixiyay ujeedka safarkiisa.

Waxa kaloo uu boqorku waraysigaasi kaga hadlay waxa uu ka aaminsanyahay qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland iyo arrimo kale.

DAAWO: Waraysiga Boqor Buur-madow:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here