Wasiir Qambi oo Furay Shirka Dib U Habaynta Dhalinyaradda

0
628

Hargeysa (HP): Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaarraha Somaliland ayaa maanta magaaladda Hargaysa ka furay kulan ku saabsan dib u habaynta Istaraatiijiyadda dhalinyaradda Somaliland ee Qaramada Midoobay.

Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay xubno ka socday ururka Qaramada Midoobay iyo ururka dhallinyarada qaranka Somaliland ee SONYO.


Iyadoona ay kulankaasi soo qaban qaabisay dalladda dhalinyaradda Somaliland ee SONYO. Kulankaasi ayaana ka dhacay Hotelka Maansoor ee magaalada Hargaysa.

Waxaana kulankaasi lagaga wada-tashanayay dib-u-habaynta Istaraatiijiyadda Qaramada Midoobay ee dhalinyarada ee sanadaha 2022-ka ilaa 2026-ka.

Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland Cabdi-rashiid Xaaji Ducaale Qambi, oo kulankaasi wada tashiga ah furay ayaa sheegay in istaraatijiyadaasi ay bixin doonto qaab-dhismeed midaysan.

Kaasoo lagu hagi doono hanaanka isku dubaridka Qaramada Midoobay ee qorshaha ku waajahan dhalinyaradda.

“Waxa uu Istaraatiijiyaddu bixin doontaa qaab-dhismeed midaysan oo lagu hagi karo, isku na dubaridka Qaramada Midoobay” ayuu yidhi C/rashiid Ducaale Qambi.

Geesta kale waxaa kulankaasi warbixino, iyo hadalo la xidhiidha qaabka loo fulinayo istaraatijiyadaasi ka jeediyay dhalinyaradii kulankaasi ka qayb galay.


Dhallinyaradii kulankaasi ka qayb galay oo isugu jiray kuwo ka socday ururro dhallinyaro, haayado dawladeed iyo daneeyayaal kale oo ka kala socday lixda gobol ee Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here