Rooble Oo Faray Guddiyada Doorashooyinka In ay Ilaaliyaan Daah-furnaanta Doorashada

0
342

Muqdisho (HP): Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyey habsami u socodka doorashooyinka Xildhibaannada Golaha Shacabka ee laga soo doortay Galmudug, Koonfur galbeed iyo Soomaaliland.
Maxamed Xuseen Rooble, oo habka fogaan arag ah, ee maqalka iyo muuqaalka ah kula kulmay guddiyada doorashooyinka ayaa soo dhaweeyay hanaanka ilaa hadda doorashooyinku u socdaan.

Raysal wasaare Rooble, ayaa amray guddiyada doorashooyinka in ay ilaaliyaan madaxbanaanida iyo daah-furnaanta doorshada.
Isagoona faray in ay u hoggaan samaan xeerarka iyo Habraacyada doorashooyinka ee ku cad heshiisyadii 17 September iyo kowdii Oktobar 2020, 27-kii May iyo 24 August 2021.

Geesta kale raysal wasaaruhu waxa uu farayaa Guddiyada maamulka doorashooyinka ee Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle, in ay si dhaqso ah u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka, si doorashada loogu soo gabagabeeyo waqtiga loo cayimay.
DAAWO: Rooble Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here