Boorama (HargeisaPress) Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayo 𝐬𝐚𝐧𝐚𝐝-𝐠𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐢𝐢 𝟔𝟓𝐚𝐚𝐝 ee kasoo wareegtay, markii ay Jamhuuriyada Somaliland xornimada ka qaadatay, gumaystihii Ingiriiska 𝟐𝟔 𝐉𝐮𝐧𝐞 𝟏𝟗𝟔𝟎-kii ayaa caawa lagu qabtay magaalada Borama.
Munaasibada xuska 26-ka juune ayaa waxa ka qeyb-galay, Maayarka magaalada Borama Mudane Maxamuud Sheekh Ibraahim Muuse, Badhasaabka Gobolka Awdal, Muxumed Xasan Jaamac, Madax-dhaqameedka Gobolka, Haween iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.