Boorama: Maxay Ka Wadahadleen Madax Dhaqameedka Awdal iyo Madaxweyne Biixi?

0
599

Boorama (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha Somaliland ayaa kula heshiiyay madx dhaqameedka gobolka Awdal in uu si deg deg ah wax uga qabanayo arrinta saami-qaybsiga oo ay guud ahaanba bulshadda gobolkaaasi aad u saluugeen.

Kadib kulan xalay magaaladda Boorama ku dhexmaray madax dhaqameedka goboladda Awdal iyo Selel iyo madaxweyne Muuse Biixi oo safar shaqo ku joogay Boorama ayaa la sheegay in ay isla waafaqeen in arrinta saami-qaybsiga oo reer Awdal si weyn uga biyo-diideen uu wax ka qabanayo.

Sida uu warbaahinta u sheegay Cheif Caaqil Cabdi Axmed, oo ka mida madax dhaqameedka Awdal oo maanta warbaahinta kula hadlay Boorama, waxaanu faahfaahin ka bixiyay qodobadda ay isla qaateen madaxweynaha iyo odayaasha Awdal.

Halkan Ka Daawo  Cheif Caaqil Cabdi Axmed Oo Arrimahaas Ka Warbixinaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here