Madaxweyne Biixi Oo Ka Qayb galay Qalin Jebinta Jaamacadda Gabiley

0
531

Gabiley (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta farxadda kala qaybgalay 150 arday oo ka qalinjebiyey jaamacadda Tima-cadde ee magaalada Gabiley.

Munaasibadda qalin-jebinta 150-ka Arday oo ah dufcaddii 7-aad ee ka baxda jaamacadda Tima-cadde, ayaa lagu qabtay hoolka jaamacadda Tima-cadde ee xarunta magaalada Gabiley.

Waxaana ka qayb galay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, xubno ka mid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno,  hormuudka jaamacadda Tima-cadde, siyaasiyiin, madax-dhaqameed.

Waalidiin iyo marti-sharaf kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu fooladaynayo ardayda qalin-jebisay, laguna dhiirrigelinayo inay tacliintooda sii wataan.

Guddoomiyaha jaamacadda Tima-cadde Prof. Cismaan Yuusuf Magan oo madasha daah-furay, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacaddu soo martay, dedaalka iyo dhabar-adaygga ay ardaydaasi sameeyeen.

Sida ay uga soo dhalaaleen kaalintii ardaynimo muddadii ay jaamacadda ku jireen, isaga oo ka codsaday in cilmiga ay barteen ay dadkooda, dalkooda iyo naftoodaba uga faa’iideeyaan.

Xildhibaan Ismaaciil Cabdiraxmaan oo kamid ah boodhka sare ee jaamaadda Tima-cadde oo ardayda u jeediyey hadal dar-daaran iyo hogo-tusaalayn isugu jiray, maamulka iyo macallimiinta jaamacadda Tima-cadde dedaalka ay ardaydaas geliyeen iyo sida ay uga soo dhalaaleen himiladii reer Gabiley ee ahayd inay Jaamacad aqoonyahanno soo saartay yeeshaan.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Cismaan Jaamac Aadan, ayaa isaguna soo dhaweeyey ardayda cusub ee jaamacadda Tima-cadde ka qalin-jebisay.

Waxaanu ku adkeeyey inay aqoontooda ku muujiyaan Gabiley iyo guud ahaanba deegaannada kale ee Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Ardayda u jeediyey hadallo dhinacyo badan taabanaya, ayaa ku bogaadiyey adkaysiga iyo naf-hurnimada ay sameeyeen muddadii ay geeddiga waxbarashada kusoo jireen.

Isagoo xasuusiyey waajibka ka saaran in cilmiga ay barteen ay uga faa’iideeyaan bulshadooda.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu Ardayda qalinjebisay xasuusiyey abaalka laga sugayo iyo nuxurka ka dambeeya fooladaynta heer qaran gaadhsiisan ee lagu sharfay.

Waxaanu yidhi  “Arday kasta oo qalinjebinaya oo koofiyad qaatayow oo qaranka iyo qoyskuba u dabbaal-degayow waa deyn dabbaal-deggaasi iyo sharaftaas.

Tii macallimiintu kusoo gelisay iyo ta laguugu riyaaqayaaba, hadi-yadna ma ahee hawl baa lagaa rabaa inaad qabato.”

Madaxweynuhu waxa uu guul ku tilmaamay siyaasadda xukuumaddu hormuudka ka tahay ee salka ku haysa in jaamacadaha iyo dugsiyada laga furo oo laga hirgeliyo deegaanka kasta oo Somaliland ah, si uu Arday weliba deegaankiisa uga helo fursad uu ku heli karo heer kasta oo waxbarasho.

“Waxan wasaaradda Tacliint,gobollada, mutacallimiinta, qurbejoogga iyo qarankaba  ku raacsanahay inay qaateen siyaasadda ah inay tacliintu dadka ugu tagto guryahooda iyo deegaamadooda, siyaasaddaasina waa mid caafimaad qabta oo lagu horumaray.

Halkii ardayga iyo dadkuba ka doonanayeen tacliinta oo meel fog joogta oo laga yaabo dadka badankiisu inaanay gaadheenba.

Waana siyaasad dalku ku horumaray, Arday badanina wax ku barteen” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu shahadooyin guddoonsiiyey tiro kamid ah Ardayda qalin-jebisay,  gaar ahaan kuwii ugu derejada sarreeyey.

Kuwaasoo ay wejiyadooda ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin in madaxweynuhu kala qaybgalay maalmaha farxaddooda.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here