Boobe oo Naqdiyay Hadalkii Jeneraal Guulwade Ku Xalaaleeyay Xasuuqii Somaliland Ka Dhacay

0
1311

Hargeisa (Hargeisa Press)- Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Reer Somaliland, ayaa waxaa uu si weyn u naqdiyay hadalkii ka soo yeedhay Jeneraal Guulwade oo uu ku xalaaleeyay xasuuqii Somaliland ay ka gaysatay dawladii kacaanka ee Maxamed Siyaad Bare.

Boobe ayaa Xukuumadda Somaliland ugu Baaqay inay Dacwad ka dhan ah Cabdiraxmaan Guul-wade u gudbiso Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee ee The Hague, waxaanu ku teliyey inaanay somaliland wax wadahadal ah la gelin Soomaaliya.

Boobe Yuusuf Ducaale oo maanta Warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa uu sheegay inuu General Cabdiraxmaan Guulwade ka mid ahaa Saraakiishii gacantooda xasuuqa kaga geystay gobollada Somaliland, isla markaana aanu mudnaynba in marka hore Guddi wadahadal Soomaaliya ku soo darto hadday doonayso in si sax ah loo wadahadlaba, waxaanu duray cidda lagu beddelay markii uu guddiga wahadalka iska casilay oo ah Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here