Maayarka Laascaanood Oo Ka Warbixiyay Waxqabadkii Maamulkiisa Sadex Sano iyo Dakhligooda Oo Aad Uga Hooseeya Degmooyinka Dalka (Warbixin):-Q2aad

0
1075

Laascaanood,(HasrgeisaPress)-Maayarka Degmada Laascaanood ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka iyo Xoghayaha Ururka D/hoose ee Somaliland Cabdicasiis Xuseen Taarwale Waxa uu ka Waramey Waxyaabaha u qabsoomay mudada uu Xilka hayey, iyo Qorshayaasha Waxyaabaha adeegyada aasaasiga u ah Bulshada ee ay Damacsan yihiin inay Wax ka qabtaan Sanadka Cusub ee 2020ka.

Maayarka Laascaanood, oo Sanadkii taggey ee 2019k isku soo ururiyay Warbixinta Koobsaneysa, Waxqabadkii Sadex Sano,oo uu hayey xilka Maamulka Golaha Deegaanka Degmada iyaddoo aaney Degmadu la dakhli aheyn dhinaca Cashuuraha iyo Miisaaniyaddaba Magaaloyinka Waaweyn ee Gobolada kale haseyeeshee, ay intii itaalkooda ah dedaal galiyeen, Meel kasta oo ay ka kaabi karaan Adeegyadda aasaasiga u ah Bulshada Warbixinta Q2aad oo dhameys Tiran Waxa uu Maayarku kaga hadlayaa Qeybaha kale ee Waxqabadkooda:-

«”Waxa aanu Xooga Saarney, in aanu ka haqabtirno Gudaha Magaalada Laascaanood in Korontada ku Shaqeysa Cadceeda ee (Public Lightka), aanu si hagar La,aan ah uga haqabtirno Magaalada si ay Bilicda Magaalada iyo Amaanka Dadweynahaba u Haqabtirto, Waxa aanu gaadhsiinay Solarr Seysteamkaa Magaalooyinka Yagoori iyo Kalabeydh, Waxa kale oo aanu keenay Wiishka ka Shaqeeya Cilada ku timaada Korintadaasi oo D/hoose Maalgaliso isaga iyo Shaqaalaha ka hawlgalayaba»Ayuu yidhi.

Isagoo ka Waramaya doorka ay ka Maamul ahaan kaga Qeyb qaateen Dhinaca Ciyaaraha iyo Dhiiragalinta Isbootiga Kooxaha Kubadda Cagta ee Gobolka iyo Degmada Laascaanood, Waxa uu yidhi.

«Waxaanu ahmiyad Weyn siiney Dhiirigalinta Ciyaaraha iyo Isboortiga Degmada iyo Gobolka,iyadoo aanu D/hoose ahaan kaga hawlgalney Garoonka ugu Weyn Magaalada ee Cabdi-Bille Cabdi in loo Sameeyo, ka farsamo ahaan in Garoonku hello dhul balaadhan, oo aan nawaaxigiisa lagu cidhiidhyin, si mar walba looga helo, Goob ku filan Ciyaartoyga,taageerayaashooda,iyo Dadweynaha iyo Gaadiidkoodaba, Waxaaney taasi u sahleysaa in Garoonka Laascaanood, qaadi karro in lagu Qabto Ciyaaraha Gobolada oo uu dad badan qaadayo,iyadoo aanu tacab badan galinay dhigistii Rooga,oo ay Madaxtooyaddu naga caawisey, Waxaananu u baneynay Parkinka Gaadiidka la dhiganyo, oo uu kaga duwan yahey Gobolada kale ee Somaliland iyo Caasimadaba».

«Mudadii aan Xilka hayey Waxa aan Ka Maayar ahaan ka hawlgaley sidii ay Dhalinyaradda Gobolku Shaqo u heli lahaayeen, taas oo ay Hay,adda Shaqaalaha Dawlladu nala qaadatey oo markii ugu horeysay Laascaanood Imtixaan lagaga qaadey 5o Ardey iyo Soddon Ardey oo ay Hay,adda Shaqaaluhu naga qaadatey, Iyadoo aanu ka qeyb qaadanay Barnaamijkii Shaqo Qaran, ee Madaxweynuhu Daahfurey anakoo uga mahad celinayna Tiradda uu Madaxweynuhu ka qaatey Gobolka oo markii hore naloo ogolaadey laba boqol iyo dheeraad inkastoo aanaan ka faa,ideysan Fursadaa ee 100 Ardey oo kali ahi markii dambe ka qeyb galeen»

«Arimaha ugu muhiimsan ee Waxqabadkayaga Ka Gole Deegaan ahaan aanu door adag kaga qeyb galney, tacab baddana ku bixinay Waxa kamid Baabiinta Kaamamka Degsoomiyin Cusub, oo Gobolka ka abuuri gaadhey khilaaf dhuleed, oo isku dhacyo beeleed sababi lahaa taas,oo aanu ku guuleysanay in aanu joojino, Waxa kale oo aanu Dabargoynay oo D/hoose ka hawlgashey Goynta Geedka loo Yaqaan (garanwaaga), oo Xaafado Magaalada kamid ah dhibaato ku hayay haseyeeshee, Maanta natiijo fiicani ka dhalatey, goyntiisa, badelkiisana, aanu Shacabka ku booriney kuna Wacyigalinay in ay Wasaaradda Deegaanka ka Qaataan Beerista Noocyada Dhirta ee qeyb ka noqon doonta Bilicda Magaalada iyadoo aanay Markii hore Dadka Reer Laascaanood aad isticmaali jirin Beerista Dhirta».

Waxa kale oo Maayarku Warbixintiisa ku Sheegay,in ay Dedaal dheer iyo Samir baddan iyo Codsiyo, aan joogsi laheyn mudo dheer ku daba Socdeen Barnaamijka Mashruuca GPLG  kaa oo Gobolada kale aaney lawadaagi jirin haseyeeshee, ay aakhirkii ku Guuleysteen in Gobolka loo soo daayo, Taas oo ay Ka Maamul ahaan kala qeyb qaadatey Xukuumada Dhexe, Waxaanu Maayar Cabdicasiis Carabka ku dhuftey, in muhiimadda koowaad tahey (Capacity building),oo ah dhismaha Aqoonta fulinta iyo kobcinta Maamul daadajineed.

«Xaqiiqddii Mashruucaasi Wuxuu ku joogay,Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer,maanta wuu nasoo gaadhey, Ka Maamul Golle Deegaan ahaana hawl iyo tacab baddan ayaanu ka galney Waxaanu uga mahad celinaynaa Madaxweynaha,Madaxweyne/kuxigeenka, iyo Wasiirka Arimaha Gudaha,oo Runtii Gobolka ku yeelan Taariikh cusub, oo ka Duwan tii ku suntaneyd intii Somaliland jirtey, Shacabka iyo Dadweynuhuna Waxyaabo baddan oo ay hadda nala Qabteen ayay maalinba maalinta ka dambeysa, si xoog ah u dareemayaan una arkayaan»Ayuu yidhi   Maayar Cabdicasiis Xuseen Taarwale ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Laascaanood.

Isagoo hadalkiisa sii Watta Waxa uu yidhi:- «Qoddobada Muhiimka ah ee aanan Marnaba ilaawi karin Islamarkaana, aan is leeyahey,Waxa ay Waxweyn ka tarri doonta Sumcada Golaha Deegaanka Degmada Laascaanood,iyo Ka Maamul ahaan Waa Doorka aanu kaga Qeybqaadanayno, Mashruuca Dhismaha Jidka Tagga Madaarka Laascaanood, oo ah ka kaluya ee ka Furan Dalka, marka laga taggo Madaarka Caasimada dhismaha 5KM ee Madaarka ka D/hoose ahaan anaku Qeybta ugu badan ayaanu kaga Qeybqaadanaynaa Waxqabadkayagana wey ku Suntan tahey ilaa iyo hadda oo aan Wali la dhamays tirin marka loo eego Awoodayadda Dakhli, Waxaanu ku Rajo-weynahay in uu Dhawaan noo dhamaan Doono».

«Ka Maamul ahaan, Waxaanu isleenahay,Waxaad si taxadir leh u gudateen hawl Culyaskeedda laheyd oo ah Qorshaha Nidaamka iyo hagaajinta Magaalada ee(Town-Planing), Waxaanu furney 28 Waddo oo ka xidhnaa Gudaha Magaaladda …………..

Lasoco Warbixintan Qeybta 3aad  

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here