“Waxaa noo qorshaysan in aanu beerno bishan 400 oo geed”…

0
449

Berbera (HP): Dawladda hoose ee magaaladda Berbera ayaa maanta dhir gaadhaysa 2500, oo geed u qaybisay shanta xaafadood ee ay ka kooban tahay magalaadaasi.

Waxaanay dhirtaasi ay dawladda hoose ee Berbera ku wareejisay guddoomiyeyaasha iyo guddiyadda shanta xaafadood ee  magaaladda Berbera, kuwaasoo  loogu tallo galay in lagu beerro xaafadaha magaaladda.

Dhirtan ay qaybisay  dawladda hoose ee Berbera waxay ka soo qaaday wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland.

Dhirtaasi ayaa hor dhac u noqon doona dhir gaadhaysa 400, oo geed oo ay qorshaysay in dawladda hoose ee Berbera ay beerto bishan aan ku jirno ee January.

Sida uu sheegay maayarka Berbera C/rashiid Maxamuud Cidin, oo goob jog ka ahaa qaybinta dhirtaasi.

Geesta kale maayar C/shakuur Cidin, ayaa si weyn ugu mahad celiyay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo uu sheegay in ay kala shaqayso sidii loo dhirayn lahaa magaaladda Berbera.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here