Wariye Axmed Cabdinuur oo Ku Geeriyooday London

0
1048

London (Hargeisa Press) — Mid ka mid ah wariyeyaashuu rug-caddaaga ahaa ee ugu caansanaa laanta Afsoomaaliya ee BBC-da ayaa ku geeriyooday magaalada London ee waddanka Ingiriiska.

Axmed Cabdinuur, oo Soomaalidu ay si weyn magaciisa iyo codkiisaba u yaqaanneen ayaa u geeriyooday xanuunka safmarka ah ee Covid-19, sida ay xaqiijisay xaaskiisa.

Axmed Cabdinuur ayaa BBC-da ku soo biiray bishii June ee sanadkii 1996 wuxuuna noqday weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee magaalada Muqdisho.

Horaantii sanadkii 2019-kii ayuu ka fadhiistay shaqada BBC Soomaali, maadaama ay laanta Afsoomaaliga barnaamijyadeedii London oo dhan usoo wareejisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Hoos ka daawo taariikhdiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here