Biixi iyo Cirro Oo Ku Baaqay In Ciidamadda La Garab Is-taago

0
247

Hargeysa (HP): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shir ballaadhan isugu yeedhay madaxda iyo haldoorka qaranka ugu sarreeya.


Shirkaasi oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyadda ayaa lagaga tashanayo dhibtii iyo khasaarihii ka dhashay degaalladii shalay ka dhacay deegaannada ku hareeraysan magaalada Laascaanood.

Shirka uu madaxda qaranka ugu sarraysa madaxweynuhu la qaatay waxa ku wehelinayey guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), murrashaxa xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Xubno ka mid ah golaha wasiirrada, iyo sidoo kale waxaa kulanka joob joog ka ahaa xubno ka mid ah hoggaanka xisbiga KULMIYE.

Waxana kulanka diiradda lagu saaray sidii shacabka reer Somaliland ugu midoobi lahaayeen wax kasta oo qarankooda kusoo kordha, wada-jirna qarankooda ugu difaaci lahaayeen.

Shirkan qaran ee uu madaxweynuhu la yeeshay madaxda qaranka, ayaa ku soo dhammaaday is af-garad iyo in si buuxda loogu midoobo cadow kasta oo qaranka burburintiisa isu soo bahaystay.

Kulankaasi markii uu soo dhammaaday, waxaa bulshada si wada jir ah ula hadlay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyo murrashaxa xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Waxaanay bulshada ugu baaqeen wada-jir iyo inay garab istaagaan ciidamada qaranka ee cadowga soo weeraray.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo kulankaa ka hadlay, ayaa ugu horrayn tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada iyo qaraabada ay ka baxeen ciidamadii ku geeriyooday dagaalkii shalay.
Isagoo na kuwa dhaawaca ahna eebbe uga baryey inuu u boogo dhayo.

Muuse Biixi, waxa uu farriin qalbi-taabasho ah u diray shacabka reer Somaliland. Waxaanu caddeeyey inuu ciidanka qaranku sidiisii hore yahay awood ahaan iyo niyad ahaanna uu dhisan yahay, cadawga na uu kasoo Aarsan doono, bulshadana looga baahan yahay inay taageeraan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu farriin cad u diray beesha caalamka, waxana uu sheegay inaanay ciidamada qaranku waxba u noqonaynin arrintii shalay dhacday, siina wadi doonto kaalinteedii nabadeed ee ay caalamka ugu jirtay,

Madaxweynuhu waxa uu bulshada uga digay war-xumo-tashiilka cadowga ah ee ku hawllan sidii Somaliland loo burburin lahaa, kana feejignaadaan wax kasta oo midnimadooda iyo wada-jirkooda dhaawacaya.

Geesta kale murraxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro, oo halkaas ka hadlay, ayaa muujiyey sida qaranka Somaliland ugu midaysan yahay difaaca qarannimada iyo garab istaagga ciidamada qaranka ee difaaca ku jira.

DAAWO: Madaxweyne Biixi iyo C/raxmaan Cirro Oo Maanta Bulshadda La Hadlay:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here